RSS

Gabayga Kheyr-Miire

08 Feb

  • Allah khaaliqa Baxshaba-                  Cilmi iyo Kheyraat-koo idile,
  • Khabiir weeye oo wuu Ogyahay–      khaznad wixi Yaale
  • Khalqigiisa isagaa Yaqaan—-            wixii u KheyrRoone,
  • Khaatimu-Rusul weeye Nabigu,        Umada Kheyr-ka Ugu Yeere
  • Khuluqiyo wanaagaba na  baray,      khidmada diinkoode,
  • Khilaaf-kiyo ka fogaada yiri,             Khal-khal wixii keene,
  • Kheeyru-khalqi-llahi weeye,             oo ku Salliya khaaliqa yiriye,
  • Khadiijey ahayd Zowjadiis,               diinta u khidmaysey,
  • Iyadoo kheyaameen dadkuna           Khabar-ka suu sheegay,
  • Khulafadiisa waatay Nabigu,            kheyr ku taliyeene,
  • Kharash  ayagoon ku qaadan           wanaag u khaadimaye,
  • Khalqigu inay ku daydaan                khasaba weeyaane,
  • Khaaliqoodana u noqdaan                khalad-ka dabadiise
  • Khamsa  Salaadoodbaa waajib        Khaasa noqonayse
  • Khushuuc Ruux ku tukada                mu’min Khaalisa weeyaane
  • Khamraduu Xarimay Eebbe,             waa khamaar koo kala e
  • Khasaaray ku galin waligaa,            kheyr La’aanan badane
  • Naartood ku Khaalidiyo ,                  Ciqaab Khaasa ba jiriye
  • Khiyaanadaa u daran xumaha,        Khal-khalisa Amaankaade,
  • Khaznadaha dalkood Guratiyo,       kheyraat-kood Gadane,
  • Kharaab iyo ka Talinaysa,               Khasaara,  aan dhamaanayne,
  • Kheyrna kama heshide waligaa,    way ku kharibtaaye,
  • Khulaasadaan u gudbadbayaa      oo waan soo khatimayaaye**
  • kha’da gabay kheyr-kan uga bogtaa   iyo khaaliqa Amaantiise.
  • *khuraafaad uma tirshiyo                    ruuxba ku khilaafe
  • Khamiis buu miruhu ii baxaa                iyo Maalin kheyr badane
  • Kheyr-doonbaan ahoo                          xumaha waan ka khajalaaye
  • Khalad iyo ka dhowraa                          khalal wixi dhaline,
  • Diinka ugu khidmeeyoo,                     kheyr-ku daaliba ye
  • Khaaliqaa mahad iskaleh                    intuu khalqigaa jiro’e
  • Khaatimu-rusul baan ku Saliyi            oo kheyrka noo wadaye
  • Allow Nabad mid kheyr laba na sii     oo khawaarij taa dumiye
  • khasaariyo dhamaan nagaba kori      khoofka oo idile.

  • salaaaam,
  • Nabadoone,

 

 
1 Comment

Posted by on 08/02/2011 in Uncategorized

 

One response to “Gabayga Kheyr-Miire

  1. nabadoone

    25/04/2011 at 4:15 pm

    Qolooyin-kan Khawaarijta ahi , kheyr maba lahee, waxay kharibayaan Dunidii Muslimkoo dhan, waxay u khidmaynayaan Cadawga islaam-ka, waxay khal-khal ku Abuureen dadweyne Nabad qaba, waxay khuraafaad Aan diin Sal ku lahayn ku shubayaan dhalinyarada iyo Guud ahaan Caamada , waxay khasnadahooda ka Buuxsadeen Maal ay ku soo qaadeen inay Diinta ugu khidmaynayaan, Hase Yeeshee khiyaameen Amaanadii, khalqihii Allena Fasaadiyeen , Khaaliqa Na uumayna meel uga dhaceen oo ku shabaheen ( la mid dhigeen) khalqigiisa, markay Meel iyo waqti ku xadideen, kolkey fadhi iyo guurguuritaan u Nisbeeyeen, Goortey Kalaamkiisa (Qur’aan ka Kariima) ku Macneeyey wixii ku soo dhaca, iyagoo u daliishanaaya waxaan Daa’imku Swt Ogolayn, kuwaani Xumaantooda lama soo koobi karo, ee Allah islaamka ka qabto, Muslimiintana ka Badbaadiyo Meel-kastey Jogaanba, Mahadsanid.

     

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: