RSS

dhalinyarooy dib u Eega..

26 Jul

 

  • dhalinyarooy dib u Eega
  • shaladeena dhoweydiyo
  • waxa maanta dhacaaya
  • Dhaymantii dalka Hooyo
  • gaaladaasi dhacayso
  • Hadana ina dhahayso
  • Burcad weeye Dhamaan
  • maraakiibta dhacdee

  • Shacabkeena dhamaadee
  • Rajadiis dhicisoowday
  • dhaawiciis wada yaalo
  • Gantaalooyin dhexdooda
  • Dhalaankii Yaryaraa
  • Goortii la dhalaayay
  • Xabada dhicideeda
  • dhagahood ku Furtee
  • dhawaaqiisa Aadaan
  • dhihidiis layna amray
  • badalkii uga dhignay
  • markay dhowr jirsadan
  • dhudhunkooda Xoogaysto
  • inay ruux ku dhiftaan
  • dhib miyay la tahoo
  • iska dhaafi karaan.

  • Dhulkeenii Burburoo
  • dhirtiisii la Guboo
  • dhamaantiisa Xabaalo
  • Soomaalooy ka dhignee
  • Maxay noo dhiman Haatan?

  • waayeelkii lama dhaafin
  • dumarkii lama dhowrin
  • Caruur dhaaf Hadalkood
  • Xoolihii lama dheefsan
  • dhulkii lama Beeran
  • dhirihii Badankood
  • dhuxul bay noqotoo
  • dhoofin baa u qorsheysan
  • hadaba dheeho walaal
  • waxa aynu dhexjoogno
  • ma ….?………..

  • Nabadoon….
 
1 Comment

Posted by on 26/07/2011 in Nabada, Uncategorized

 

Tags: , , ,

One response to “dhalinyarooy dib u Eega..

  1. Video Zeum

    01/08/2011 at 7:39 pm

    Hello! You have an interesting website. It is nice to visit here.

     

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

 
%d bloggers like this: